October 7, 2025

Ingiriiska oo walaac ka muujiyay canshuuraha uu dalalka caalamka ku soo Rogay M/Weyen TRUMP

Dowladda  Ingiriiska ayaa sheegtay in ay saameyn dhaqaale baaxad leh ku yeelan karaan cashuuraha uu dunida ku soo rogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse waxay UK xaqiijiyay in aysan dhankeeda canshuuro aargoosi ah ku soo rogu doonin Washington.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Kier Starmer oo arrintan ka hadlay ayaa yiri “Waxaan ka xumahay cashuuraha nalagu soo rogay, mana aaminsani inay u wanaagsan tahay dhaqaalaheena iyo dhaqaalaha caalamka toona”.

Starmer ayaa intaas ku daray “Waa in  aynaan sameyn cashuuraha kastamka oo aargoosi ah, waa in aan ka warsugnaa xalada isbedelka ah”.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan inta badan dalalka dunida ku soo rogay canshuuraha aad u badan, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay xittaa dhaqaalaha Mareykanka, ayadoo taasi ay sababtay bannaanbaxyo iyo kala qeybsanaan bulsho oo gudaha ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*