October 7, 2025

Dagaal markale Ka Bilaawday deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan

Wararka laga Helayo Degaanka Abooreey ee G/Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal culus uu saakay  dib uga qarxay deegaanka Abooreey, kaasoo u dhaxeeya ciidamada xoogga iyo kuwa Macaawiisleeyda  deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen deegaanka Aboorey, iyadoona weli la maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac, sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Sidoo kale Ma cadda Khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la soo werinayo in labada dhinac uu soo gaaray khasaare, balse tiro koob sax ah aan la heli karin, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Dhanka kale Shalay deegaanka Aboorey waxaa gaaray Taliyaha ciidamada xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage, isagoo ka tagay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna halkaasi u tagay si uu u dhiiri geliyo ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyahii ururka 163aad ee ciidamada Danab Asad Cusman Afrax oo ahaa Taliya Ciidanka Danab, qaybta Galmudug.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa waxaa dagaalka loogu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxdaasi.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*