October 7, 2025

Ciidanka XS iyo Macaaawisleeyda deegaanka oo la wareegay deegaanka Geel-gub ee G/Sh/Dhexe

Wararka laga Helayo Degaanka Geel-gub ee Degmada Cadale ayaa sheegaya In Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ayaa saaka la wareegay deegaanka Geel gub ee gobolka Shabeelada Dhexe, kadib dagaal culus oo weli halkaasi ka socda, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ciidamada ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah.
Hawlgalka ayaa weli ka socda duleedka deegaankaas, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dhanka kale Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*