
Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo ka wada deegaanka Aboorey u dhaw degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in ay dhaqdhaaqyo ka wadaan deegaankaasi, si ay uga hortagaan xubno ka tirsan AS oo lagu arkay meel u dhaw deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu deegaanka Aboorey uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka oo dhinac ah iy AS.
Sido kale Xaaladda deegaanka Aboorey ayaan weli daganeyn, waxaana xusid mudan in dhawaan laga saarey AS, isla markaasna ay gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka.
Dhinaca kale, Ciidanka Dowladda ayaa kordhigay howlgallada ay ka fulinayaan deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyaga oo dhawaan la wareegay degmada Ruun nirgood oo ah goob Istraatiiji ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag