
Waxaa Jiray maalmahan Warar Sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka gobolka Sool, islamarkaana warar kala duwani ay safarkiisa ka soo baxayeen, ayaa waxaa arrintaas si rasmi ah u shaaciyay Maamulka Khaatumo.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Diinta maamulka SSC-Khaatumo Jeneraal Cabdi xasan Xijaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu dhawaan booqan doono deegaanadaas, asagoo intaas ku daray amniga dhulkaasi uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana soo dhoweynta masuulka 3-aad ee dalka ugu sarreeya ay u diyaarsan yihiin.
Dhanka kale Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ayaa si weyn u diiddan booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Laascaanood, balse dadka deegaanka ayaa u arka tillaabo taariikhi ah, maadaama taniyo burburkii dalka madaxda ugu sarreysa dowladda dhexe aysan gobollladaas Soo Gaarin.
Si kastaba ha ahaatee Dadka Ka faalooda siyaasada ayaa ku sheegay in safarkaani uu dhabar jab weeyn ku yahay Maamulka Somaliland kaasi oo sheegta in uu dhulkaasi uu ka taliyo Hase ahaatee waxaa muuqanaysa in aysan shaqo ku laheeyn sidoo kale waxaa meesha ka baxaya magacii Somaliland ahaa waxaa ay ku soo aruurayaan SNM.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag