
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa daaha ka rogay “dagaal weyn” oo uu la galay daafaca Gabriel Magalhães ka hor dhaawacii muruqa bowdada ee sababay inuu ciyaaraha ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Gabriel ayaa dhaawacmay billowgii guushoodii 2-1 ee ay ka heleen Fulham Talaadadii.
Baaritaanno kadib ayaa la xaqiijiyay in daafaca reer Brazil u baahnaan doono qalliin, taasoo ka dhigan inuu si rasmi ah u dhammeystay xilli ciyaareedkiisa.
Gabriel wuxuu noqday ciyaaryahankii saddexaad ee kooxda Arteta ee qalliin lagu sameeyo bilooyinkii u dambeeyay, isagoo raacaya Bukayo Saka iyo Kai Havertz.
Arteta ayaa sheegay in Gabriel uu dhibaatada dareemay markii ay la ciyaarayeen West Ham, ciyaar Arsenal looga adkaaday Emirates Stadium.
Wuxuu saxaafadda u sheegay:
“Waan ka wadahadalnay. Ma aqaan sida aan u maareyn doono. Tusaale ahaan, Gabi ayaan xaalad kula jiray. Markii aan la ciyaareynay West Ham, wuxuu dareemay xanuun muruqa bowdada ah. Saddex maalmood kadib ayaan ciyaarnay, lix maalmood kadibna sidoo kale, sagaal maalmood kadibna ciyaar kale. Saddex maalmood kadib, wuxuu yiri waxaan diyaar u ahay inaan ciyaaro inkastoo uu qabay jeextin yar oo dhaawac ah. Wuxuu yiri, ‘waxba ma dareemayo, waxaan rabaa inaan ciyaaro’.
“Wuxuu u galay dagaal weyn inaanan ciyaarsiiyo. Maalinta lixaad, wuxuu yiri, ‘tan waa inaan ciyaaro’. Dhakhaatiirta ayaa yiri, wali halis ayaa jirta. Waxaan ku heshiinay, dagaal kadib, inaanan ciyaarsiin. Maalinta sagaalaad, ciyaar kale ayuu yiri, ‘tan hubanti waa inaan ciyaaro’. Dhakhaatiirta ayaa mar kale yiri, halis yar ayaa jirta, haddii uu dhaawac ku noqdo, wuxuu maqnaan karaa 5 ilaa 7 toddobaad. Waxaan go’aansanay inaanan ciyaarsiin. Maalinta 12aad, wuu ciyaaray. Laakiin runtii maalinta lixaad aad ayaan uga qoomameeyay inaan ciyaarsiiyo.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag