October 7, 2025

Ex Madaxweyne Farmaajo”M/Weeyne Xasan Nooca Doorashada uu Doonayo waa In dadka La Caburiyaa”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Sidoo maddaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*