
Sida aan Wararka Ku helnay ayaa sheegaya in la dilay Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) Waxaana lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose.

Nin hubeysan oo xiran dareeska ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu toogtay taliyaha, sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamada ee ku sugan Gobolka.
Sidoo kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka falka geystay uu ka mid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalana ay sheegayaan in ninka falka geystay uu ka yimid maleeshiyaadka Al-shabaab.
Saraakiisha Milatariga ayaa xaqiijiyay geerida AUN Gaashaanle Sare Nuur Fareey oo ahaa taliyaha Guutada 14 Ogtoobar.
Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u geeriyooday, waxaana loo badinayaa in uu ku dhintay rasaas uu furay askari ciidanka ka tirsan.
Taliyaha ayaa la sheegay in uu la hadlaayay ciidan faylsan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag