
hoggaamiyaha Xismibiga Himilo Qaran ahna madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada sharci darrada ah ee Ciidamada ay ku xireen Guddoomiyaha Xisbi siyaasadeedka ‘SHACABKA’ Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa intaasi lagu daray “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu madaxda dowladda Federaalka ah uga digayaa sii socoshada falalka nuucaan ah oo aan u adeegeyn danaha ummadda Soomaaliyeed islamarkaana dhaawacaya karaamada muwaadinka.”.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag