October 7, 2025

Dowlada Turkiga Ayaa Si Caro leh uga hadashay duqeymaha Israel ka wado Gudaha Siiriya

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Israa’iil, iyadoo ku eedeysay in ay tahay dowlada cunsuriyad iyo xagjirnimo” ku dhisan, taasoo leh damac isballaarin oo khatar ku ah amniga gobolka.

War qoraal ah Oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarrada Israa’iil ay ka geysaneyso gudaha Suuriya iyadoo aan wax weerar ah lagu soo qaadin ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, taasoo muujineysa in siyaasadda Israa’iil ay ku dhisan tahay hurinta colaadaha.

 Sidoo kale Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in xasillooni-darro ka dhalata tallaabooyinka Israa’iil ay si weyn u saameynayso ammaanka gobolka, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabo ka qaaddo si loo xakameeyo ficillada Israa’iil.

Turkiga ayaa ku eedeeyay Israel iney wado quudinta kooxaha argagaxisada ee Syria ku sugan si ay halkaas dib ugu soo celiso fowdadii horay uga taagneyd, wasiirka arimaha dibada Turkey Hakan Fidan ayaana Israel u sheegay in dan ugu jirto iney joojiyaan weerarada ay Syria kawadaan hadii kale ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo aysan xisaabta ku darsanin.

Dowlada Israel ayaa kor u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan Syria iyadoo markale xalay duqeyn  ka geysatay duleedka magaalada Dimishiq, waxayna u muuqataa in weeraradan cusub ee Israel isku fureyso ay soo dadajin dagaal buuxa oo ka dhaca bariga dhexe kaasoo markan uu ku lug yeelan karo Turkiga.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*