October 7, 2025

Ku Dhawaad 124 Ruux oo doonayay in ay ka dhoofaan Garoonka Aden Cade Muqdisho oo la qabtay

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, ayaa lagu shaaciyay in ay kahor tageen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo damacsanaa in tahriib ahaan dalka uga baxaan, kuwaa oo kusii jeeday qaar kamid ah dalalka Afrika kuyaallka, oo ay kasii bixi lahaayeen.

Hay’adda Socdaalka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in isbuucayadii lasoo dhaafay hakkisay dhallinyaro socdaal sharciraddo ah doonayay in ay dalka uga baxaan, kuwaa oo doonayay in tahriib kusoo aadaan qaar kamid ah dalalka Yurub.

” Hay’adda Socdaalka iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda qaran ee ay ugu xil-saarantahay Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya waxay mudooyinkii u dambeeyay xooga saartay ka hortagga, la dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*