
Sida ay wararka sheegayaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta kulan wadatashi ah la leh Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaasoo uu kala hadlayo arrimo ku saabsan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada, sida aan ka soo xiganay ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada

Sidoo kale Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynuhu todobaadkan ku dhawaaqay gogol wadatashi Qaran oo ay ka soo qeybgali doonaan hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka iyo kuwa bulshada, taasoo ay soo dhoweeyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhanka kale Wararka laga helayo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay qorsheynayso in gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay ee aanan weli muddeynta iyo ajandahaba la qeexin ay noqoto mid ku kooban arrimaha la-dagaalanka Argaaxisada, ka-qeybgalkeeduna uu noqdo mid ballaaran oo bulshada qeybaheeda kala duwan fursad loo siinayo.
Dhinaca kale waxaa jira cadaadis in dhanka Beesha Caalamka ay Villa Somalia ku cadaadinayso inay gogosha qeyb ka noqoto arrimaha siyaasadda, si ay u dhacdo dib u heshiisiin siyaasadeed, loona helo wadar-ogol siyaasadeed arrimaha masiiriga sida doorashada, maadaama uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeedkii ka dhashay is bedelkii lagu sameeyay Dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee Isu-imaatinka maanta ee Madaxweynaha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada saddexda ah ayaa loo badinayaa in uu yahay mid hordhac u yahay kulamo is-dabajoog ah oo la filayo in ay Madaxweynuhu la yeesho dhinacyo kala duwan oo ka mid ah saamileyda iyo daneeyayaasha siyaasadda, si loo abuuro midnimo ku saabsan la dagaalanka Argagaxisada.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag