October 7, 2025

Wasaarada Betroolka Somaliya oo sheegtay in dhammaadka 2025-ka la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka

default

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka ee dowladda Turkiga ka waddo Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada uu shirguddoomiyey R/Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, looga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.

 

Sidoo kale Wasaaradda ayaa shirka Golaha Wasiirrada ka caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee sanadkii na soo dhaafay, ka dib waxa uu loo galbiyey dhankaas iyo xeebaha maamulka Galmudug, halkaas oo howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya ka billaabay.

Markabkaan oo kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Turkidu sameysteen ayaa la sameeyay sanadkii 2017, waxa uu kaalin firfircoon ka qaadan doona sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd shidaalka, kaas oo la sheegay in uu kaalin wanaagsan ka qaadan doona haddii la soo saaro koboca dhaqaalaha dalka.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*