
Wararka laga helayo Magaalada Laascaano ayaa sheegaya in la adkeeyay Amniga guud ee deegaannada Maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan Caasimadda Laascaanood, iyada oo la kordhiyay goobaha lagu hubiyo gaadiidka iyo dadweeynaha ee bannaanbka magaalada.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa Dhawaan qabtay kulan looga hadlay Amniga Maamulka Khaatuma waxaana ka soo qeyb galay Guddiga Amniga ee Golaha Wasiirrada iyo Taliska Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo.
Sidoo kale Guddiga iyo Taliska ayaa ka warbixiyey amniga guud ee deegaanada SSC iyo horumarka ay ka sameeyeen sugidda amniga, hirgelinta xasilloonida, ka hortagga fal-dambiyeedyada iyo ladagaalanka maandooriyaha. Iyagoona xusay in Ciidamada Booliska, Xasilinta iyo nabad-sugiddu ay hawlgalo joogto ah ka wadaan guud ahaan gobollada Maamulka SSC-Khaatumo.
dhanka kale Hoggaamiyaha ayaa faray Guddiga Amniga ee Golaha wasiirrada iyo Taliska Ciidanka Booliska dadaalka xaqiijinta amniga deegaanka isagoona ballan-qaaday in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay kor-uqaadista iyo tayayna hay’adaha amniga ee Maamulka si kor loogu qaado Amniga.
Si kastaba ha ahaateeAdkeynta Amniga magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos yimaada ayaa ku soo aadeysa xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre safar ku tagayo deegaannada SSC-Khaatumo.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag