October 7, 2025

Xuuthiyiinta Yamen oo Badda Cas ku weeraray markabka dagaal ee USS Harry S. Truman

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay beegsadeen markabka diyaaradaha dushiisa ka haadaan ee USS Harry S. Truman, xilli uu ku sugnaa Badda Cas. Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee muddo 24 saac gudahood ah lagu qaado markabkaasi.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ay gantaalo ku weerareen maraakiibta dagaalka Mareykanka, oo uu ku jiro markabka weyn ee USS Harry S. Truman.

Afhayeenka ayaa ku waramaya in weerarku uu jawaab u yahay duqaymaha uu Mareykanku ka wado dalka Yemen.

“Hawlgaladayada militari ee ka dhanka ah cadowga Mareykanka way sii socon doonaan, iyadoo la beegsanayo maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan aagga hawlgalada looga dhawaaqay, iyadoo la sii kordhinayo, haddii Alle idmo.” Ayuu General Yahya Saree ku sheegay war uu soo saaray.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa si joogta ah ugu celcelinaya in maraakiibta Mareykanka iyo kuwa Israel aysan mari karin Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta, inta Israel ay xasuuqa ka waddo Marinka Gaza, isla-markaana ay dadka rayidka ah u diidan tahay gargaarka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegay in xitaa aysan marin biyoodyadan mari karin maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, isagoona shirkadaha maraakiibta uga digay in ay bartilmaameed sharci ah noqon doonaan.

Xuuthiyiinta ayaa ka carreysan weerarada Israel ka gaysaneyso Gaza iyo duqaymaha uu Mareykanku ku hayo bartilmaameedyada qaar ay ku leeyihiin gudaha Yemen.

Mareykanka ayaa tan iyo bartamihii bishii March duqaymo culus ku haya dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan, si loo joojiyo weerarada ay ka gaysanayaan gudaha Israel iyo dhulka ay xoogga ku haysato.

Dhanka kale Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii Xuuthiyiinta ugu yeeray in ay weerarada ka joojiyaan maraakiibta Mareykanka ee mareysa Badda Cas, si iyana duqaymaha looga joojiyo, Xuuthiyiintuse uma muuqdaan kuwo soo dhaweeyay soo jeedintaasi. Waxa keliya ee ururka reer Yemen ay dalbanayaan ayaa ah in Israel ay soo afjarto weerarada ay ku leynayso dadka reer Gaza, gargaarkana dib loo fasaxo.

Abdul-Malik Al Houthi, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa khudbaddiisii ugu dambeysay ee Khamiistii uu jeediyay ku sheegay in Yemen aysan gantaalada ka joojin doonin Israel, inta ay xasuuqeyso dadka Gaza, isla-markaan ay hortaagan tahay in gargaarka la geeyo dhulka go’doonsan.

Yemen waa dalka keliya ee Carbeed ee ficil ahaan ka dhiidhinaya xasuuqa ay Israel oo Mareykanka uu raali kaga yahay ka waddo Marinka Gaza.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*