October 7, 2025

Afar Xubnood Oo ka soo goostay Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Baydhabo

Ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhabo ayaa  soo bandhigay Afar Xubnood oo katirsanaa  Al shabaab, kuwaasi oo la sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Xubnahaan ka tirsanaa Kooxda Al shabaab ayaa waxaa ay Booliska u sheegeen in ay Al-shabaab ka soo raaceen  Degaano ka tirsan Gobolada Bay, Bakool iyo Jubooyinka,

Sida ay sheegeen ragaani waxaan  Goob joog u ahaayeen Dagaalo lagu naafeeyay saaxiibadooda ee  ku jiray Al shabaab oo ka kala Dhacay Gobolada Bay, Bakool iyo Buulo Xaaji oo katirsan Jubbaland, sida iyagu ay sheegeen.

Afarta Xubnood ayaa dhammaantooda ay Koonfur Galbeed soo bandhigtay waxaa ay shaaca ka qaaday  in muddo ay ku taamayeen sidii ay naftooda ugala soo baxsan lahaayeen Kooxa Al shabaab balse ay ku adkaatay fursadaasi.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*