October 7, 2025

Mareykanka oo duqayn Ku Xasuuqay Kooxda Daacish Puntland Somaliya

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Wararka laga helayo Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay mar kale duqayn culus la beegsadeen maleeshiyada Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shalay galab weerar xagga cirka ah ku qaadeen maleeshiyada ku uruursan deegaanka Miiraale ee jiidda galbeed ee Calmiskaad.

Raadiyaha Puntland ayaa soo xigtay in si weyn daryanka sawanka ee jugta duqaynta looga maqlay deegaanada ku dhow Togga Miiraale.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqaynta ay gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyadoo looga caawinayay hawlgalka ciribtirka Daacish.

“Duqaynta waxaa lala beegtay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish oo is uruursanayay.” Ayuu talisku ku sheegay warka uu soo saaray.

Sidoo kale Duqayntan ayaa noqoneyso tii labaad ee Mareykanka uu ka gaysto Buuraleyda Calmiskaad, sideed cisho gudahood.

Mareykanka ayaa 1-dii bishii February bilaabay in xagga hawada uu ka duqeeyo maleeshiyada Daacish, markaas oo Madaxweyne Donald Trump uu bixiyay amar keenay in si ba’an loo garaaco saldhigyadii maleeshiyada ee Calmiskaad.

Sidoo kale Duqayntii Talaadadii ayaa imaneyso, xilli Ciidanka Puntlad ay labadii toddobaad ee u dambeysay ay culeys ku hayeen Daacishta Somaliya ee ku sugan aagga Miiraale.

Ciidanka Puntland  ayaa Sheegay  in Miiraale ay ka mid tahay goobaha fara ku tiriska ah ee haatan ku haray gacanta Daacish.

.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*