
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Maxamuud Yuusuf Cali ayaa ka hadlay wadahadallo toos ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan Salva Kiir, Asigoo ka wareeystay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Koonfurta Suudaan iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Naasir.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika ay sheegay in ay ka go’an tahay wadahadal, dib u heshiisiin, iyo nabad waarta.Isagoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda iyo dadka Koonfurta Suudaan,
Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga afrika Waxa uu u diraya wafdi heer sare ah oo ka tirsan Midowga Afrika si ay ula xiriiraan dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo qaboojiyo xiisadaha loona horumariyo wada-hadallada.
Dhanka kale Ururka Midowga afrika ayaa ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan nabad galyada iyo xasiloonida dalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag