
Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed ay weerar ku qaaday fariisimo ay Al-shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Qansaxdheeri.

Howlgal Qorshaysan ayaa lagu dilay Horjoogiyaal sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa Qaadista waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka.
Sidoo kale howlgalka inta uu socday waxay Ciidamada ku soo qabteen Mooto Al-shabaab u saarnayd Raashiin kala duwan oo ay si qasab ah ugu soo qaateen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Hoostaga degmada Qansaxdheeri.
Dhanka kale Ciidanka Booliska Gaarka ah iyo Xooga Dalka ayaa wado Howlgalo Qorshaysan oo lagu soo afjarayo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag