October 7, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle “Bisha Soon-fur waxay inoo curatay anaga oo weli ku sugan furimaha dagaalka”

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka waxa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Bishii barakeysneyd ee Ramadaan Madaxweynaha ayaa waqtigiisa u huray dardargelinta howlgalka dabargoynta Khawaarijta.

“Bisha Soon-fur waxay inoo curatay anaga oo weli ku sugan furimaha dagaalka. Qof walba ayuu waajib ku yahay gulufka dabar-goynta Khawaarijta.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed ee isugu jiro Daraawiishta Hirshabeelle, Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka sida ay uga go’an tahay in dalka laga xorreeyo Khawaarijta.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku baaqay inaan loo kala harin dhammeystirka kooxda nafla-caariga ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*