
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa bulshada deegaanka uga mahad celiyey sida ay ugu istaageen in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda waxaana uu ugu baaqay inay garab istaagaan halganka AS looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolka Shabeellada hoose.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag