October 7, 2025

Banaanbax Caddaalad loogu raadinayo Gabar lagu Kufsaday Kenya oo ka socda Muqdisho

Bannaan-bax balaaran  Oo looga soo horjeedo kufsi-wadareed gabar Soomaaliyeed loogu geystay dalka kenya iyo guurka gabadh 8 jir ah oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa maanta ka socda magaalada Muqdisho.

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbaxan hoggaaminaya ayaa dalbaday in ay cadaalad helaan gabdhaha Soomaaliyeed, eedeysanayaashana sharciga la horkeeno; iyaga oo farriimo u diray mas’uuliyiinta dowladda, culimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah haweenka dhigayay banaanbaxa ayaa si adag u sheegay in ay aad ugu xun yihiin falka kufsiga ee loo geystay labo gabar oo lagu kala magacabo Anfac iyo Faadumo yar oo tacaddi lagula kacay.

“Anaga kufsi raali kama nihin, caddaalad ayaan rabnaa, waxaan ku baaqaa waa in si deg deg ah sharciga loo horkeena dadkii ka dambeeyay tacaddiga loo geystay Anfac iyo Faadumo” ayay yiraahdeen haweenka.

Kufsiga gabadha ayaa waxaa la sheegay inay geysteen afar qof, kuwaas oo saddex ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midka afraad uu yahay Itoobiyaan.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*